Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed
Aadan Madoobe oo la kulmay odayaasha Koonfur Galbeed, diiraddana saaray xalinta xaaladda taagan
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur, ayaa magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha jira, xilli ay jiraan duruufo siyaasadeed iyo amni oo saameyn ku leh maamulkaas.
Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha la wadaagay tabashooyinka iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaannadooda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah wax looga qabto arrimahaasi si loo xasiliyo xaaladda.
Guddoomiye Madoobe ayaa uga mahadceliyay odayaasha kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin nabadeynta iyo horumarinta bulshada, isagoo ku booriyay in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo wada shaqeynta, dowladnimada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, si loo gaaro horumar waara.